Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i Kronåsens industriområde med kraftig rökutveckling som följd.
(Publicerat idag kl 15.48)
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Kiniiniga ka hortagga uur-qaadista nooca Cilest oo soosaarkiisa la joojiyey

La daabacay onsdag 3 juli 2013 kl 11.00
Sawirle: Joni Söderström Winter / Sveriges Radio

Waxaa la joojiyey in la soo saaro kiniiniga ka hortaga in uur la qaabo noociisa lagu magacaabo Cilest. Sidoo kalena waxaa dib loo soo celinayaa kuwii suuqyada yaalley. Waxaa la ogaadey cillad xagga farsamada oo keeni karta in uusan kiniinigaasi waxtar u yeelan ka hortagga in la qaado uur aan lagu talagalin.

Waxaa laga helay maaddo hormuun ah oo aan jirka dadka dhaqso ugu fidin ama milmin. Shirkadda soo saarta kiniinigaan oo lagu magacaabo Janssen-Cilag waxay hadda dadaal ugu jirtaa sidii ay arrintaan xal ugu heli lahayd.

Mikael Själlin, oo madax ka ah waaxda daawooyinka ee shirkadda, ayaa idaacadda P3 Nyheter u sheegay in uu kula talinayo dadka hadda qaata kiniinigaan in ay la xiriiraan dhakhaatiirtooda ama ummulisooyinka goobaha caafimaadka si ay u helaan daawo kale oo ka difaacda uur-qaadista.

Isha: P3 Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".