Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Carl Bildt oo wel wel ka muujiyay xaalada dalka Masar

La daabacay torsdag 4 juli 2013 kl 09.57
Carl Bildt. Foto: AP Photo/Geert Vanden Wijngaert

Wasiirka arrimaha dibeda ee Iswiidhen Carl Bildt ayaa walaac ka muujiynaya xaalada dalka Masar oo xoogaga militeriga habeenkii xalay ahaa ay talada ka qaadeen madaxweynihii Masar Maxamed Mursi, iyada oo Mr. Bildt uu sheegay in arrintana ay cawaaqib ku yeelan doonto guud ahaan dunida carabta.

-Waxaan u arkaa arrinta mid walaac weyn xambaarsan. Mar waxaynu ka hadleynay gu’gii carabta ee kacdoonadii isbedel doonka laakiin hadda sidaasi way ka duwan tahay, waa dhacdo ku cusub kacdoonka Masar.

Miyay xoojin doontaa dimoqraadiyada mise waa ay la tegi doontaa guud ahaanba? Waxaa jirta cabsi. Waxay ila tahay in aan ka raja dhigin in dib uhabeyntii dastuurka la soo celin doono laakiin ma garaneyno, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibeda ee Carl Bildt mar uu ka hadlay isbedelka ka dhacay dalka Masar xalay oo ay ciidamada taldii ka qaadeen madaxweynihii la soo doortay Xusni Mubaarak ka dib.

Tan iyo markii la doortay Maxamed Mursi dalka Masar, waxuu galay mishaakil siyaasadeed oo ay astaamo u ahaayeen dibed baxyo iska soo horjeeda oo ay kala dhigaayeen shacab diidan Mursi iyo kuwa taageersan.

Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibeda ee Iswiidhen ayaa soo saartay war ku saabsan in dadka u dhshay Iswiidhen aysan u aadin safaro aan muhiim aheyn magaalooyinka kala Qaahira, Alexanderiya iyo Suez ee dalkaasi Masar sabab la xiriirta xaaladda ammaan ee hadda ka jirta dalka Masar.

Talo soo jeedintan xagga safarka ayaan quseyn safarada transit-ka ee garoonka magaaladda Qaahira.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".