Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Reinfeldt: ”Ha la go’doomiyo xisbiga sideedaad”

La daabacay torsdag 4 juli 2013 kl 10.54
Fredrik Reinfeldt oo jeedinaya khudbada Almedalen. Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix.

Ra’iisal wasaare Fredrik Reinfeldt oo xalay jeediyay khudbada xisbigiisa ee toddobaadka siyaasadda ee Almadalen ayaa si kulul ugu weeraray khudbadiisa xisbiga Sverige Demokrat oo ah xisbi diidan oo ka soo horjeeda siyaasadda soo galootiga ee imminka ka jirta Iswiidhen.

Khudabda uu xalay fiidkii ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Almadalen oo aheyd mid ay ka muuqatay kalsooni ayaa qeybteeda hore kaga hadlay shaqo la’aanta heysata dhalinyarada dalka iyo dadaalada shaqo abuurista ah ee xisbigiisa soo bandhigay shalay gelinkii hore, hase yeeshee Reinfeldt ayaa si adag ugu hadlay xisbiga SD iyo naceybka dadka soo galootiga.

Ra’iisal wasaaraha oo ay u sacaba tumayeen dadka dhageysanayay ayaa yiri:

’’ Naceyb bay dhex keeneen siyaasadda Iswiidhen, fekerkooda waa in ay naaxiyaan kala shakinta ummada oo waxay doonayaan in aan isku eegno indho kala shakisan. Waxa keliya ee ay ku fekeraan waa uun in ay iska daba dhigtaan dadyowga ka yimid dalalka kale ma hayaan feker kale, inagana waxaan leenahay yaysan helin wax saammeyn ah, ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha.

Fredrik Reinfeldt oo ka ilaaliyay afkiisa magaca SD ayaa sheegay in xisbigaasi uu bedeli doono Iswiidhen maalintii uu helo awood uu saammeyn, waxuuna sheegay in aamusanaan iyo ganuuunac aysan jawaab u aheyn ajanabi balse ay u baahntahay in si cad looga hadlo.

Reinfeldt ayaa ku ammaanay hoggaamiyihii hore ee xisbiga Sooshaalka Mona Sahlin sida cad ee wax qabad leh ee ay ugu hadli jirtay ajanabi naceybka isaga oo yiri dadaalada ay sammeyn jirtay sharaf bay ku heshay, isaga oo eedeyn u soo jeediyay hoggaamiyaha xisbiga Sooshaalka ee imminka Stefan Löfven.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Stefan Löfvin uu ka aamunsayahay arrimaha ajanabi naceybka taasi oo uu ku micneeyay mid xanuun badan.

Dhinaca kale, khubada maanta ee Almadalen ayaa waxaa iska leh xisbiga bidixda iyada oo hoggaanka xisbigaasi Yuunas khoosted uu ku sheegay shir saxaafadeed in Iswiidhen u baahantahay in wax laga bedelo qaanuunka gundhiga u ah sharciga dalka si loo adkeeyo in aan si gaar ah loo yeelan xarumaha danta guud ee dadweynahu ka helaan adeega aasaasiga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".