Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xukunkii ugu horreeyay ee rabshadihii Husby

La daabacay torsdag 4 juli 2013 kl 14.43

Maxkamad ku taalla magaaladda Stockholm ayaa maanta gaartay xukunkii ugu horreeyay ee rabshadihii bishii Maajo harreeyay xaafadda Husby ee magaaladda Stockholm.

Nin 26 jir ah ayaa lagu helay dambiyo isugu jira, geysasho waxyeelo dhaawac halis ah xambaarsan ka dib markii uu dab qabad siiyay labo gaari 29 kii bishii Maajo waxaana ninkani lagu riday xukun lix bilood oo xabsi ah.

Waxaa sidoo kale xitaa ninkan lagu helay hanjabaad sharci daro, kaxeyn gaari oo sharci daro ah iyo dambiyo isugu jira daroogo waxayna maxkamada ninkani ku xukuntay in uu bixiyo ganaax lacag oo gaaraya toban kun ah oo ah waxyeeladii uu geystay.

Ninkan 26- jirka ah ayaa waxaa horay u yaqaanay bileyska waxuuna ku jiray xabsi dibed joog ah marka uu geysanayay dambigan dambe.

Radio Stockholm

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".