Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ardayda dugsiyada oo khamri-cabbiddodu yaraatay

Publicerat torsdag 4 juli 2013 kl 14.48
Sawirle: Mary Chitgar P4 Skaraborg / Sveriges Radio.

Markii ugu horreysey muddo 40 sano ah ayey khamri-cabbista ardayda dhigata dugsiyada dhexe gaartey heerkii ugu hooseeyey. Sidaasna waxaa lagu muujiyey baaritaan uu maanta soo saaray ururka wacyigelinta maandooriyayaashu oo ku saabsan caadooyinka khamriga ee dhallaanka dugsiyada.

In ku dhow boqolkiiba 23 ardayda dugsiyada sare waxay sheegeen in aysan cabbin wax khamri ah sannadkii ugu dambeeyey, halka ay boqolkiiba 47 ardayda dhigata fasalada sagaalaad ay sheegeen in aysan cabbin khamri sannadkii ugu dambeeyey.

Toban sano ka hor arday intaas ka badan ayaa sheegatay in ay cabbeen khamri sannadkii ugu dambeeyey. Ardayda dugsiyada sare boqolkiiba 90 ayaa qirtay xilligaas in ay khamri cabbeen.

Dhanka kale waxaa baaritaanka lagu muujiyey in ay soo badanayaan wiilasha dugsiyada sare dhigta oo isticmaala tubaakada iswiidhishka oo loo yaqaan snus.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".