Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hoos u dhac ka jira dhaqaalaha degmooyinka iyo maamulada gobolada

La daabacay fredag 5 juli 2013 kl 10.27
Sawirle: Nick Näslund/Sveriges Radio

Xaalada dhaqaalaha ee degmooyinka iyo maamulada caafimaadka gobolada ayaa u muuqata mid ciriiri ah oo adag ka hor inta aan la gaarin sanadka soo socda.

Waxaa lagu wadaa in ku dhowaad boqol degmo oo dalka ku yaalla iyo guud ahaan maamulada caafimaadka ee dalka in miisaaniyadooda  ku jirto hoos u dhac, sida uu sheegay ururka mideeya degmooyinka dalka iyo maamulada caafimaadka ee gobolada.

Sababta ugu weyn ee arrinka ayaa la leeyahay in ay ku xirantahay isbedelka xagga da’da kala duwan ee ku imaanaya bulshada , ayay tiri r Annika Wallenskog, oo ah madaxa baarista dhaqaalaha ee ururka SKL.

– Tirada dadka da’da ah waxa ay u kordhayaan isla sida ay u kordhayaan caruurta iyo dhalinyarada marka waa ay sii yaraanayaan dadka wax tabarrucaya awooda dhaqaalaha sidaasi daraadeed xaaladda waa ay ka adag tahay sida ay soo aheyd sanado badan, ayay tiri Annika.

Ilaa iyo imminka 102 degmo ayaa miisaaniyadooda sanadka soo socda waxaa ka muuqata hoos u dhac. Mid ka mid ah sababaha keenaya  dhaqaalo xumida degmooyinka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ay tahay dhalliyrada oo isaga soo tegaya degmooyinka yar yar iyaga oo soo gelaya magaalooyinka waaweyn.

Iyada oo dhanka kalana degmooyinka loo soo guurayana ay iyana heysato xaalad ah in ay sammeeyaan maal gashi waxaana intaasi sii dheer in qarashka hay’ada adeega bulshada ee (socialtjänsten) uu aad u kordhay inta lagu guda jiro mishaakilka dhaqaalaha.

Dhaqaale darida ugu adag ayaa waxay heysataa maamulada caafimaadka gobolada iyada oo dhammaan ay heyso hoos u dhac miisaaniyada ah sanadka soo socda.

Waxaa hadda dhaceysa in sare loo qaado cashuuraha. Ilaa iyo toddobo degmo iyo hal maamul caafimaad ayaa goor horaba sare u qaaday laakiin Annika Wallenskog ayaa sheegeysa in kuwa kale oo badana ay sare u qaadi doonto canshuurta.

Xaalada ayaa is bedeli karta tusaale ahaan hadii la krdhiyo deeqda dowlada ay siiso degmooyinka iyo maamulada caafimaadka xitaa hadii ay dhacdo sidaasi ayay Annika Waalenskog waxay leedahay meesha kama bixi doonto qatarta in sare loo qaado cashuurta iyada oo xustay in la filan karo in ay kordhaan lacagaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha maadaama maamulka gaadiidkaasi uu hayo maamulada gobolada ee Landstigen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".