Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hay’adda socdaalka oo indha gaar ah ku haysa xaaladda Masar

La daabacay fredag 5 juli 2013 kl 10.19
Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix.

 

Hay’adda Socdaalka ayaa hadda si gaar ah indhaha ula racaysa xaaladda iyadoo ugu dhabbageleysa haddii ay keeni karto in qaxooti masaaria hi ku soo qulqulaan Iswiidhen. Christer Zettergren oo madax ka ah waaxda xiriirka dibedda ee Hay’adda Socdaalka ayaa arrintaan ka yiri:

- Waxaan isku dayeynnaa in aan la soconno sida siyaasadda dalkaasi u socoto, annagoo wararka ay soo xiganeynna ilo toos an iyo kuwo dadbanba. Tusaale ahaan waxaan xiriir la leenahay Frontex iyo ilo ay ka mid yihiin hay’adaha qaxooyiga Yurub. Kadibna waxaan isku dayeynnaa in aan macluumaadka aan soo ururinno ka qaadanno sawir laga daalacan karo haddii xaaladda Masar ay saamayn ku yeelan karo xaaladda soogalootiga Iswiidhen.

Hay’adda Socdaalku waxay qabtaa in hadda ay kumanaan qaxooti ahi joogaan Masar. Waana kuwaas qaxi kara haddii xaaladdu sii xumaato. Dadkaas qaxootiga ahi waxay u badan yihiin suuriyiin, liibiyiin iyo dadyow kale oo ka kala dalalka Afrika. Qaar badanna waxay halkaa u joogaan in ay lacag ka urursadaan si ay dalalka kale ugu sii gudbaan.

Christer Zettergren ayaa sheegay in sida hadda xaalku yahay aysan muuqan in qaxooti ku soo qulqulayo Iswiidhen:

- Waxaa halkaa ka dhacay afgembi aan dhiig ku daadan. Dad badan oo dhamaashaad iyo calamo lul jira ayaa bannaanada u soo baxay. Waxaa kaloo fagaarayaasha iyaguna joogay dad kale oo aan damaashaadeyn laakiin wax rabshado ahi ma dhicin.

Mar la weyddiiyey waxa uu u arko in ay xaaladda wax ka beddeli karaan, wuxuu ku jawaabey Christer Zettergren:

Waa haddii dagaal iyo isdil xooggani bilowdo oo aan hayn oo keliya boliiska ama ciidamada xoogga iyo dadka fagaarayaasha isugu soo baxay ee uu ka dhexdhasho dadka qaba aragtiyaasha siyaasadeed oo kala duwan. Hadda ma garan karno sida xaaladda Masar isu beddeleyso iyo waxa dhici doona, laakiin waxaan ognahay in waxyaalo badan dhici karaan. Ma dowlad wadajir ah ayaa la dhisi doonaa? Yaa ku jiri doona? Muxuu noqon doonaa doorka xiidamada xoogga dalku? Wax kasta waa la filan karaa. Hadda ma ogin xaaladda ay sugan yihiin qaxootiga halkaas jooga, laakiin arrin aan indho gaar ku eegeynno.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".