Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Malmö oo faa'ida weyn ka heshay tartankii heesaha Yurub

La daabacay fredag 5 juli 2013 kl 11.09
Sawirle: Anna Falk/Sveriges Radio Malmöhus

Tartanka heesaha qaarada Yurub ee loogu magac daro Eurovision Song Contest ayaa faa'iido weyn u noqday magaaladda Malmö ka dib markii magaaladaasi ay marti gelisay tartankaasi sanadkan.

Lacagta dalxiiska ka timid ee u soo xarooday gobolka Skåne iyo magaaladda Malmö ayaa gaareysa 185 milyan oo karoon iyada oo dadka yimid magaaladda Malmö inta uu socday tartanka ay gaarayaan 31 700 oo dalxiisayaal, sida lagu sheegay baaritaan uu sammeeyay maamulka magaaladda Malmö.

Waxaa intaasi sii dheer qiimaha xagga warbaahinta oo iyanu lagu xisaabinayo 1,1 bilyan oo karoon marka loo rogo xagga xayeysiiska ee magaaladda Malmö ku heshay marti gelinta tartanka Eurovision.

TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".