Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dad gaaraya 20 kun oo lagala noqday Körkort-ka

La daabacay fredag 5 juli 2013 kl 14.30
Sawirle: Veronique Slottberg/SR Örebro.

Waxaa sii kordhaya tirada dadka lagala noqdo ruqsada baabuur wadista iyada oo sabab ugu badana ay tahay ka gudbida xadka xawaaraha waxaana taasi soo raacda dadka kaxeeya baabuurta iyaga oo cabsan, waa sida ka muuqata warbixin ay soo saartay hay'ada gaadiidka ee Transporstyrelsen.

Balse korokan saa 'idka ah ayaa ayay qeyb ahaan hay'adda gaadiidka waxay ku sharaxday in ay tahay hay'ada oo nuska hore baaritaano ku sammeeysay kiisas hore, sida ay sheegtay Solwieg Höög-Persson oo ah agaasime ka tirsan hay'ada gaadiidka qeybteeda bixinta ruqsada gaadiidka.

Lixda bilood ee aynu soo dhaafnay ee sanadkan ayay hay'adda gaadiidka waxay kala noqotay ruqsada baabuur wadida ilaa iyo 20,000 oo ruux iyada isla waqtigan sanadkii hore ee 2012 tirada ay aheyd 12,000 oo qof.

Dalka Iswiidhen ayaa ruqsada baabur wadidia waxaa heysta dad gaaraya 6,2 milyan oo qof.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".