Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Bangiga Dhexe oo doonaya in uu wax ka ogaado deymanka dadweynaha

Publicerat fredag 5 juli 2013 kl 16.24
Bangiga Dhexe ee Iswiidhen. Sawirle: Scanpix.

Bangiga dhexe wuxuu ku la talinayaa dhammaan bangiyada ganacsiga in ay soo gudbiyaan deymanka lagu leeyahay dadka macaamiisha ah iyo inta deymankaasi le’eg yihiin. Sababta ayaa ah in Bangiga dhexe in aqoon wanaagsan loo yeesho deyman soo kordhaya oo ay qabaan dadka Iswiidhen ku nool oo sidaas darteed ay u kontaroolaan. Ku-xigeenka guddoomiyaha bangiga dhexe Kerstin Jochnick waxay tiri:

- Waxaan warqado u dirnay bangigad alka si aan u soo ururinno warbixino deymanka ay qabaan dadka shacabka ah. taasna waxaa nagu dhaliyey annagoo muddo dheer walaac ka qabney in deymanka dadku ay aad weynaatey.

Dhanka kale ururka iskaashiga Yurub ee xagga dhaqaalaha iyo horumarka ee loo soo gaabiyo OECD ayaa horay uga digay culeyska deymanka ay dadka iswiidhishku qabaan iyo dhibaatooyinka ay u keeni karto in dhaqaalaha Iswiidhen noqdo sidii xuumbo shuuqday.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".