Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Sjösted: Faa'ido ka gurashada lagu hayo xarumha danta guud waa halgeena ugu weyn

La daabacay fredag 5 juli 2013 kl 13.36
Sjöstedt " Vänsterpartiet inta badan shacab waa iska diiden faa'idooyinka"
(3:10 min)
Hoogamiyaha Vänsterpartiets Jonas Sjöstedt oo qodbad ka jeedinayey Almedalen khamiistii. Foto: Henrik Montgomery/Scanpix.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa hindise ku soo bandhigey in axdiga qaranka lagu qoro si ay u adkaato iibinta hantida dadweynaha ka dhaxeysa. Hogaamiye Jones Sjöstedt oo xaley qodbada ka jeediyey almedalen ayaa waxuu marka hore ku blaabey qobadiisa sinaanta iyo kalo wunaansha ka jira dhakhliga raga iyo dumarka. Waxuuna sidoo kale qodbadiisa ku soo qaatey kufsiga ay haweenka la kulmaan.

- Waxaa sidoo kale ogahey  markii gabadheydo weynaato  in ay ku qasbanaan doonto in ay xanbaarto cabsi oo uusan wiilkeygo u baahnaan doonin in uu xanbaaro. Cabsida ah in gabar keligeed ah habeynkii socota ay u baahato in garabkeeda fiiriso marar badan . cabsi gabardha ku qasbeysa in ay guriga u dhaqsato ama ay jidka ka leexato  markey aragto nin aysan gareyneynin. Waana cabsida kufsiga, ayuu Sjöstedt.

Hogaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet ayaa ka hadley hindise xisbigiisa ku soo bandhigey Almedalen oo ah in axdiga aas’aasiga ah ee dalka lagu daro in aan si sahlan lagu iibin hantida dadweynaha wado leeyahay sida xarumaha waxbarashada, caaimaadka iyo shirkada qaran.  Xisbiga Vänsterpartiet ayaa ah xisbi keliya ee Iswedhen ka soo horjeeda faa’idooyinka shirkada qaaska loo leeyahay ay kalo baxaan xaruumaha danta guud iyo iyada oo weliba arintan shabka intiisa badan ka soo horjeedo.

- Waxaa jira dad badan oo aan dooneynin in ay ka hadlaan faa’idooyinka lagala baxa xarumaha danta guud,  dowladda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ay waxey la jiraan shirkada qaas loo leeyahey, waxey rabaan in ay ka nabad galaan doodan.  Sociademokratiga iyo Miljöpartiet kuma dhacaan in ay arintaan ka hadlaan. Markaas waxey noqoneysaa anaga Vänsterparteit kuwo iska diidaya arintaan. Laakiin waxaa arintaan diidmadeeda nagu wehlinaya inta badan dadka mana ahan wax xun ayuu yeri Sjöstedt.

Dhanka kale maanta waxaa qoabad jeedinta iska leh xisbiga Folkpartiet. Hogaamiyaha xisbigaas Jan Björklund oo ahna wasiirka waxbarashada maanta shir saxaafeed qabtey ayaa sheegey in xisbiyada dowladda isku afgarteen in iskuulada gaarka loo leeyahay  ay bixiyaan dammaanad ah  in xataa hadii iskuulka ay leeyahiin kaco ay ardeydo dhameystaan  waxbarashada ay bilaabeen. Arintaan ayaa salka ku heysa kadib markii shirkad qaas ah oo maamulshada dhowre dugsi sare ay kacdey oo aan ardeydii dhigeyneysay hada la garaneynin marka faxa ka soo noqdaan sida laga yeelayo.  

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".