Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaritaan lagu hubinayo hawlaha maaraynta ajnebiga dhowaan yimid

La daabacay fredag 5 juli 2013 kl 19.12
Hay'adda kormeerka hay'adaha iyo shirkadaha dowladda. Sawirle: Ola Torkelsson/Scanpix.

Waxaa hadda baaritaan ku socdaa hawlaha ay dowladdu ugu talagashay in looga faa’iideysto iyo in lagu kordhiyo aqoonta xirfadeed ee dadka ajnebiga ah oo dalka dhowaan soo galay. Waxaana baaritaan lagu eegayaa wixii qabsoomay marka laga soo bilaabo markii ay sharciga qaateen ilaa lagu meeleynayo suuqa shaqada. Waxyaalaha la doonayo in lagu iftiimiyana waxaa ka mid wixii carqalado iyo cillado maamul la soo gudboonaadey.

Waxaana baaritaankaan keenay iyadoo ay maanta dadka shaqada ka taga ay ka soo bateen dadka shaqada hela. Baaritaankaan oo la soo gebagebeyn doono bisha Mey ee sannadka dambe waxaa ka dambeeya Hay’adda kormeerka hay’adaha iyo shirkadaha dowladda oo afka iswiidhishka lagu yiraahdo Riksrevisionen.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".