Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin lagu toogtey magaalada Varberg

La daabacay måndag 8 juli 2013 kl 11.08
Sawirle: Jennie Persson/Sveriges Radio.

Waxaa magaalada Varberg boliisku ku toogey nin 24 sano jir ah kadib markii uu ninkaasi doorrey geliyey dad ku sugnaa bartamaha magaalada. Sidaasna waxaa soo weriyey idaacadda Ekot.

Waxay u muuqataa in uusan ninkaas horey u aqoon dadkaas oo saddex qof ka koobnaa. Qof dumar ah oo dadkaas ka mid ahayd ayaa mar dambe u geeriyootey dhaawacyadii soo gaarey. Ilaa hadda lama oga sababtii uu dadkaas u doorriyeeyey iyo haddii uu soo qaatay mukhaadaraad.

Calinka cilmiga dembiyada Jerzy Sarnecki wuxuu sheegay in ay wax dhif dhaca tahay in qof uu weerar ku qaado dad aan wax ka galabsan.

Waxay ahayd barqadii maalinta axadda kolkii uu boliiska soo gaaray qaaladhaan ku saabsan in nin 24 sano jir ahi weeraray laba nin iyo qof dumar ah. Qofkaa dumarka ah oo da’deedu ahayd 85 sano jir waxay markii dambe u geeriyootey dhaawacyadii ka soo gaarey doorreydii ama middidii la geliyey. Waxaa kaamirad ka muuqata in kolkii boliisku halkaa yimid uu ninkii la tuhunsanaa weerar ku soo qaadey ciidamadii boliiska. Ciidamada boliisku waxay markii hore cirka uu tuureen rasaas digniin ah, laakiin markii uu ka joogsan waayey ayey toogteen. Waxaana loo la cararay isbitaalka, halkaas oo uu markii dambe ku naf-baxay.

Dhanka kale waxaa soo baxayey warar saluugsan habka boliisku isticmaalo marka ay timaaddo xaaladaha sidaan oo kale u adag.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".