Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Hindisayaashii ugu muhiimssanaa toddobaadkii Almedalen:

La daabacay måndag 8 juli 2013 kl 15.44
Sawirle: Lasse Ahnell SR/Gotland

Axaddii shalay ayaa la soo gabagabeeyey toddobaadkii Almedalen oo ay xisbiyada dalku ku soo bandhigayeen siyaasadaha ay doonayaan in ay dalka ku maamulaan. Waxaa toddobaadka Almedalen ka qaybqaatay siddeedda xisbi oo ku jira baarlamaanka Iswiidhen. Waxaa hoos lagu soo koobay hidisayaashii ay halkaask u soo bandhigeen.

Xisbiga Mooderaatka (Moderaterna):

Wuxuu ballanqaaday dib looga noqdo khidmadihii khasnadda shaqa-la’aanta oo la kala qaaday. Nidaamkaas oo shaqaalaha laamaha shaqa-la’aantu ku badan tahay ku khasbaayey in ay bixiyaan khidmad ka badan tan bixiyaan shaqaalaha laamaha kale. Nidaamka waxaa dejiyey dowladda isbahaysiga kolkii guuleysatey doorashadii 2006.

Xisbiga Bulshada Xorta ah (Folkpartiet):

Nidaamka tababarada xirfadeed in laga hirgeliyo dugsiyada sare, kaas oo keeni doona in boqolkiiba konton ardayda xirfadaha kala duwan barata ay tababar xirfadeed ku qaataan shirkadaha marka la gaaro sannadka 2020.

Xisbiga Dhexe (Centerpartiet):

Wuxuu doonayaa in la mamnuuco waxyaalaha ka samaysan kiimikada khatarta ah. Wuxuu kaloo doonayaa in canshuur dheeraad ah lagu soo rogo waxyaalaha ka samaysan kiimikada khatarta ah. Lacagta ka soo gasha canshuurahaasna waxaa loo isticmaalayaa in lagu maalgeliyo hab cusub oo lagu soo saaro tamar oo wax ku ool ah.

Dimoqraadiyiinka masiixiga ah (Kristdemokraterna):

Wuxuu doonayaa in tirada carruurta ku jirta fasalada dugsiyada barbaarinta la yareeyo. Dhaqaalaha lagu hirgelinayana wuxuu ka imaanayaa khidmadda oo lagu kordhinayo waalidka dakhligoodu ka sarreeyo 45000 oo karoon bishii.

Xisbiga Sooshiyaal-diqraadiga (Socialdemokraterna):

Wuxuu doonayaa in uu lacag gaareysa saddex bilyan oo karoon ku maalgeliyo horumarinta dugsiyada dalka. Waxaana horumarintaas ka mid ah in la shaqaaleeyo 1000 bare ama macallin oo gaar loogu tababaray habka waxbaridda.

Xisbiga Doogga (Miljöpartiet):

Wuxuu doonayaa in uu muddo afar sano ah hal bilyan iyo bar karoon ku maalgeliyo dayactirka dugsiyada dalka si loo abuuro jawi u wanaagsan macallimiinta iyo ardaydaba.

Xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet):

Wuxuu doonayaa in dastuurka wax laga beddelo si ay u adkaato in la iibiyo hantida bulshada ka dhexeysa, iyo in haddii matalan la doonayo in la iibiyo dugsi shardi laga dhigo in saddex meelood oo laba meel xubnaha baarlamaanka ay isku raacaan ama uu ku yimaado laba go’aan oo doorasho qaran u dhexeyso.

Xisbiga Dimoqraadiyiinta Iswiidhen (Sverigedemokraterna):

Wuxuu soo jeediyey hindise ah in lacag ku dhow 6 bilyan oo karoon lagu maalgeliyo sidii ay degmooyinku u diyaarin lahaayeen shaqooyin saacado badan oo laga hirgeliyo laamaha caafimaadka iyo xannaanada carruurta iyo waayeelka.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".