Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tigidhadii cayaarta kubbadda cagta hablaha oo la dhammaystey

La daabacay tisdag 9 juli 2013 kl 10.54
Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Waxaa maalinta arbacada firinbiga loo yeerin doonaa cayaartii ugu horreysey ee cayaaraha kubbadda cagta hablaha oo loogu tartamayo horyaalka Yurub. Cayaaraha horyaalka waxaa lagu qabanayaa lix degmo oo Iswiidhen ka tirsan. Degmooyinkaasna waxaana ka mid ah degmada Växjö oo ay ku taal garoon ay daawasho u imaan karaan ilaa 10000 oo qof. Ilaa hadda waxaa la iibiyey 10500 oo tigidh lagu daawanayo afarta cayaarood lagu lagu qabanayo degmadaas. Daawadayaasha ugu badani waxay ka soo qaybgalayaan cayaarta ugu horreysa oo ay maalinta khamiista isaga hor imanayaan Jarmalka iyo Holland. Waxaana ilaa hadda la iibiyey 5000 oo tigidh. 

Cayaarta fiinaalka oo lagu qaban doono garoonka Friends Arena ee Solna waxaa ilaa hadda tigidhadoodii iibsadey daawadayaashii oo ugu badnaa oo gaaraya 21000 oo qof. Tigidhadiina ilaa hadda waa la wada iibiyey. Guud ahaan dalka waxaa lagu iibiyey 105 000 oo tigidh, taas oo micneheedu yahay in ay suurtagal noqon karto in ay ka soo qaybgalaan daawayaal ka badan cayaarihii kubbadda cagta hablaha ee sannadkii 2009 oo kolkaa gaarayey 129 000 oo qof.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".