Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkado badan oo wax-soosaar oo ku soo noqonaya Iswiidhen

La daabacay onsdag 10 juli 2013 kl 11.26
Sawirle: Fredrik Sandberg/Scanpix

Mushaharada iyo kharashyada kaydinta oo cirka isku shareeraya awgood ayey shirkado wax soosaar oo badani uga soo gurayaan dalalka soo koraya iyagoo dib ugu guuraya Iswiidhen. Waxaa sidaas lagu muujiyey daraasooyin badan oo ay soo saareen jaamacado badan oo lagu daabacay wargeyska Svenska Dagbladet.

Shirkado badan ayaa hadda doonaya in ay hawlahooda isugu soo ururiyaan xarumaha ay ku leeyihiin Yurub ama Iswiidhen. Toddobadii ama siddeeddii sano ugu dambeysey waxaa Iswiidhen caan ka noqotay in ay shirkado badani dib u soo guuraan. Sidaasna waxaa sheegay caalin cilmiga dhaqaalaha oo ka hawlgala kulliyadda Gävle oo magaciisa la yiraahdo Lars Bengtsson. Wuxuu kaloo arrintaan u aaneynayaa in mushaharooyinka iyo kharashyada keydka dalal badan oo Shiina ka mid tahay awgood aysan shirkado badan u muuqan in ay faa’iido ka samayn karaan, sidaas awgeedna ay dib u soo noqonayaa. Waxaa waraysi lala yeeshay 260 shirkadood oo middiiba ay ka shaqeeyaan dad ka badan 25 qof.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".