Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqa-la’aanta dalka oo xoogaa soo korodhay

La daabacay onsdag 10 juli 2013 kl 15.13
Sawirle: Scanpix

Dhammaadkii bishii Juun waxaa Iswiidhen shaqa-la’aan ka ahaa 388000 ama boqolkiiba 8,2 xoogga shaqada. Waxayna dadkaas shaqa-la’aanta ahi isugu jireen dadka tooska ugu jira shaqa-raadinta iyo kuwa ka qaybqaata barnaamijyada shaqa-diyaarinta. Waxayna dadka shaqa-la’aanta ahi soo kordheen 14000 oo qof ama boqolkiiba ,01 marka la barbardhigo tiradii shaqa-la’aanta ahayd bishaan bisheedii ee sannadkii tegey. Sidaasna waxaa lagu muujiyey tirakoob uu soo saaray xafiiska shaqadu.

Inta lagu gudajirey bishii Juun waxaa digniin shaqo ka fariisin la siiyey dad tiradoodu ku dhowdahay 4500 oo qof, waxayna 700 oo qof ka yar tahay tiradii bishii Juun ee sannadkii 2012.

In aysan shaqa-la’aantu wax badan isbeddelin bishii Juun laguma macnayn karo in ay xasillooni ka jiro suuqa shaqada, sida uu sheegay Johan Bissman oo ku simaha madaxa waaxda tirakoobka ee xafiiska shaqada.

”Waxaa bishii dhexdeedii na loo soo gudbiyey 47000 oo boos oo bannaan. Taasina waxay caddeyneysaa in baahi shaqaalayn ay ka jirto goobo shaqo oo badan”, ayuu Johan Bissman ku sheegay war-saxaafadeed.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".