Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kirada guryaha Rosengård oo la damacsan yahay in aad loo kordhiyo

La daabacay onsdag 10 juli 2013 kl 18.05
Sawirle: Stian Lysberg Solum / Scanpix

Waxaa la damacsan yahay in kirada guryaha Rosengård lagu kordhiyo boqolkiiba 20 kolka la gaaro 1da bisha Febraayo ee sannadka dambe. Guddiga arrimaha kirada ayaa isaguna qaba in ay kira-kordhin macquul ah tahay maadaama dhowaan dayactir lagu sameeyey guryaha xaafadda Herrgården oo ka tirsan Rosengård. Waxay xaafaddasi ka mid tahay xaafadaha ugu faqrisan magaalada Malmö.

Waxaa qorshahaan kira-kordhinta soo dhoweeyey ururka kireystayaasha in kastoo loo arko kira-kordhin aad u sarreysa. Laakiin waxay ka hooseysaa intii ay doonayeen dadka guryaha kireeya oo iyagu doonayey in labalaab lagu kordhiyo.

- Kira-kordhintaani waxay dharbaaxo weyn ku tahay dadka guryaha kireysta, ayuu yiri Dan Knutsson oo ah ninka wadahadalada u matalayey ururka kireystayaasha.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".