Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qashinka dibedda lagu daadiyo oo aad u soo batay

La daabacay torsdag 11 juli 2013 kl 10.57
Sawirle: Tomas Oneborg/Scanpix

In kastoo ay ahayd in ahayd in boliisku labadii sano oo ugu dambeysey uu ganaax dusha uga tuuro ciddii qashin ku daadisa dibedda ayey haddana dhacday in dadka loo ganaaxay ay yar yihiin. Sidaasna waxaa soo weriyey telefishanka SVT.

Waxaa halkaa ka muuqata in uusan sharcigaan cusub aad u dhaqangelin, maadaama ay dadka boliisku u ganaaxay in ay qashin tuurayeen ay aad u yar yihiin.

Ujeeddada laga lahaa sharciga ayaa ahayd in ciddii lagu qabto iyadoo qashin bannaanka ku daadineysa la ganaaxo si aysan mar dambe ugu noqon. Inta lagu jirey labadaan sano waxay boliiska gobolada Gotland iyo Jämtland gooyeen saddex ganaax oo qura.

Boliiska gobolka Västra Götaland ayaa noqonaya boliiska ugu firficoonaa isagoo dad gooyey 141 ganaax.

Qashinka dadku badanaaba tuuro waxaa ugu badan gumudka sigaarka, laakiin sharciga qashin-tuuristu ma khuseeyo gumudka sigaarka.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".