Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xabsi lagu xukumay rag xashiish gurigooda ku beertay

La daabacay torsdag 11 juli 2013 kl 13.23
Sawirle: från förundersökningsprotokollet.

Laban nin oo da’doodu kala 34 iyo 31 sano ayaa lagu xukumay xabsi laba sano ah iyadoo lagu helay dembi mukhaadaraad. Ninka 34 sano jirka ah waxaa lagu xukumay in marka uu xabsigiisa dhammaysto dalka laga masaafuriyo oo uusan dib ugu soo noqon karin muddo toban sano. Sidaasna waxaa qortay wakaaladda TT.

Boliiskuna wuxuu nimankaan ku qabtay lixdameeyo geed oo xashiish ah oo la qallajiyey, miisaankooduna dhan yahay ilaa 11 kiilo.

Labadaan nin midkood wuxuu deggan yahay degmada Sollentuna. Wuxuuna ku andacoodey in xashiishka uu isagu iska leeyahay iyo in uusan ogeyn in ay sharci-darro tahay.

Laakiin xeerilaaliyuhu wuxuu qabaa in dembigani uu aad u weyn yahay maadaama ay muuqato in si xariifnimo loo soo agaasimay oo aysan u muuqan mid loogu talagalay isticmaal qura.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".