Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i Skogsbo och räddningsledaren uppmanar alla som befinner sig i området att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Dalarna.
(Publicerat idag kl 17.31)

Xaaladda badda waqooyiga Iswiidhen oo ka soo dareysa

La daabacay fredag 12 juli 2013 kl 10.25
Buundada Xeebta Dheer (Höga kusten). Sawirle: Anders Wiklund / SCANPIX

Waxaa dhibaato weyn ka taagan kiimikada lagu daadiyo badda waqooyiga Yurub oo loo yaqaan Östersjön, taas oo khatar ugu sugan in waxa bad hoosteeda ku jira ay dhintaan. Waxaa hadda la qorsheynayaa in kalluun lagu beero badda iswiidhishka loo yaqaan Höga kusten, baddaas oo ka tirsan Östersjön. Taasina waxaa keeni doontaa maaddooyinka fosforka iyo natajiinta oo baddaas ku bata. Waxayna saamayn ku yeelan kartaa degaanada u dhow oo ay dadku iska daayaan in ay dabaal u aadaan.

Waxaa hadda xilligaan kulaylaha Iswiidhen ku batay ubaxa fangaska. Wuxuuna ku sii fidayaa badda Östersjön, laakiin badda hoosteeda waxaa aad ugu sii yaraana noolaha.

Waxay ahayd sannadkii 2007 kolkii dalalka ku hareersan badda Östersjön ku heshiiyeen in la badbaadiyo badda ka dhexeysa, laakiin ilaa hadda ma jiro dal gaarey hadafkii lagu heshiiyey. Waxaana aad ugu soo batay maaddooyinkaas kiimikada ah.

Maamulka gobolka Västernorrland kama uusan hadlin kalluunkaas lagu beerayo degaanadooda, laakiin ugu horreyn bisha Agoosto ayaa lagu wadaa in ay go’aan ka gaaraan wixii laga yeeli lahaa codsigii la soo gudbiyey iyo welwelka dadweynuhu ka qabo kalluunkaas la beerayo.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".