Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.
Meykii laga helay Horndal

Booliska Dalarna: Gabadha waxey u geeriyootey biyo ku hafasho

La daabacay fredag 12 juli 2013 kl 13.41
Bo Eriksson "Biyo ku hafasho bay u dhimatey"
(2:40 min)
Halkii laga heley meydka gabadha oo booliska xireen:Foto: Sally Henriksson/Dalanytt

Gabadhii Soomalida ee shan sanno jirka aheyd oo maalinkii Isniinta laga heley meydkeeda bali ku yaal Horndal gobalka Dalarna, ayaa baaritaanka dhaqternimo ee lagu ogaanyo waxa sababey geerideeda muujisey natiijada aan dhameys tirney oo ah in ay u geeriyootey biyo ku hafasho.

Balse sababo la xiriira halka laga heley meydkeeda ayaa keenaya in booliska weli keyskan u baaro sida keys faldenbiyeed. Sida uu sheegey afhayeenka booliska gobalka Dalarna Bo Eriksson.

- Waxaa jira sababo la xiriira meesha meydka gabadha laga heley oo keenaya in aan keyskan u baarno sida in uu yahay keys faldenbiyeed. , ayuu yeri Bo Eriksson afhayeenka booliska gobolka dalarna.

Mar la weydiiyey in taas micnaheedo tahay in gabadha nafta laga qaadeyna, waxuu yeri.

- Waan arki doonaa marka uu baaritaanka soo dhamaada waxa lagu sheego. Mida keliya oo natiijada hor-u-dhaca ah ee baaritaanka ay muujineyso waxa weeye in ay u dhimatey biyo ku hafasho. Marka ma rabo in aan galo sharacaad dheeraad ah. Waa suurto-gal geerida gabadha in ay sababtey faldenbiyeed waana suurto-gal in aysan sababin,ayuu yeri.

Meydka gabadha waxaa laga heley bali ku yaal  meel u jirta 400 illa 700 oo mitir halkii markii la waayey ay ku sugneyd oo aheyd meel ay ku ciyaareysey.

Booliiska ayaa iminka weli baaraya sida ay ku dhaci karto in gabadhaan 5 sanno jirta ah ay keligeed socoto masaafan 400 illa 700 oo mitir. Baaritaanka booliska ayaa ku tiirsan warabaxinada ay bulshada ka helayaan. 

Dhanka kale mar aan qadka telefoonka kula xiriirney afhayeenka booliska ayuu noosheegey in marka gabadha meydkeeda la heley ay qayb kamid ah jirkeeda biyaha ku jirtey halka qaybteeda kale ay banaanka taaley, inkastoo uu ka gaabsadey in uu sharaxo  qaybta jirka gabadha biyaha ku jirtey makii jirkeeda la heley.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".