Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kirada guryaha gacanlabaadda oo cirka isku shareeray

La daabacay fredag 12 juli 2013 kl 14.02

Guryo badan oo ku yaal magaalooyinka waaweyn ayaa lagu kireeyaa gacanlabaad iyadoo ay kirooyinkodu sii kordhayaan. Sidaasna waxaa maanta lagu muujiyey tirakoob ay soo saartay shirkadda Blocket oo boggeeda internet laga kireysto guryo badan oo gacanlabaad ah.

Guryaha gacanlabaadda oo Stockholm laga xayeesiiyo waxay intii u dhexeysey abriil iyo juun sare u kaceen boqolkiiba 31, magaalada Göteborgna boqolkiiba 68.

Guryaha badanaaba la kireysto oo baahida weyni ka jirto ayaa ah kuwa ka kooban halka ama labada qol. Halkii qol oo Stockholm laga kireysto waxaa ku kordhay 830 karoon bishii marka la barbardhigo sannadkii la soo dhaafay.

Shirkadda Blocket waxay sicirka kirada guryaha oo kor u kacay sabab uga dhigeysaa sharci cusub oo dhowaan soo baxay. Sharcigaani wuxuu dadka guryaha iska xaq u siinayaa in ay iyagu kirada goonayaan oo aysan u baahnayn in ay raacaan sicirka guryaha la kireysto.

Isha: SR P3

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".