Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Muwaadiniin Yurub ah oo aan ka heli karin Iswiidhen adeeg caafimaad

La daabacay fredag 12 juli 2013 kl 14.05
''Waxaa inoo yimaada dad dhiigaya oo aan heli karin daryeel caafimaad''
(1:48 min)
Ururka dhaqaatiirta caalamka ayaa daryeel lacag la'aan u fidin jiray dadka aan heysan waraaqaha sharciga. Foto: Henrik Montgomery/Scanpix.

Waxaa dalka Iswiidhen ka dhaqan gelay sharci suuragelinaya in dadka aan heysan sharciyada lagu jooga dalka in ay helaan daryeel caafimaad laakiin sharcigani waxaan ku jirin dadka u dhashay qaaradda Yurub ee aan ku jirin ceymis taasi oo micnaheedu uu noqonayo in dad badan oo ka mid kuwa faqriga ah ee ku nool Iswiidhen in aysan weli heli doonin daryeel caafimaad.

Dadkaasi waxaa ka mid ah dadka roomanka ee ka dawarsada wadooyinka. Intooda badan ma ahan dad ka soo shaqeeyay wadamada yurub ee ka yimaadeen ama soo bixiyay canshuur sidaasi daraadeed dadkaani kuma jiraan ceymiska qaranka ee dalalka ay ka yimaadeen mana heystaan kaarka ceymiska buluuga ee qaaradda Yurub oo qofka loogu fidiyo gargaar caafimaad oo deg deg ah marka uu ku xanuunsado meel ka mid ah qaaradda.

Tiberiu Lacatus oo ah EU-vägledaren ayaa inta badan la kulma dad aan heli karin daryeel caafimaad kana yimid yurub qeybaheeda kale.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".