Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Carruur saboolnimo awgeed aan awoodin in ay dalxiisaan

La daabacay fredag 12 juli 2013 kl 14.11
Sawirle: Mary Chitgar / P4 Skaraborg Sveriges Radio.

Fasaxa Sommarka waa xilliga ilmo badan dalkaana ay dalxiis, dabaal iyo jalaato cunow helaan balse ilmo badan ayaa Iswedhen la nool waalid sabool ah oo aan u awoodin in ay ilmahooda geeyaan dalxiis ama xataa u awoodin in ay ka baxiyaan lacagta baska aada xeebta. Waxaase jira degmooyin ilmaha u qabta mehrado bilaash ah oo  ay isku maaweeliyaan inta ay fasaxa ku jiraan. Waana xilliyada fasaxa inta lagu jiro marka ay caddaato in ilmaha Iswedhen aysan isku fursado heysanin, ayey tiri Agneta Åhlund oo ka tirsan ururka badbaada caruurta.

- Waxaan og nahay in marka ay carruurtu ku mashquulsan yihiin dhaqdhaqaaqyo micno leh uu caafimaadkoodu wanaagsanaado oo saaxiibbo badan samaystaan, waxbarashadana ay natiijo wanaagsan ka gaaraan. Aad ayey taasi muhiim ugu tahay. Dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin waqtiyo firaaqo oo mince ugu fadhiya. Ma ha oo keliya wax xiiso gelin leh ee waxay kaloo micne weyn u leedahay caafimaadkooda.

Waxaa Iswiidhen ku nool qoysas badan oo aysan maskaxdooda ku dhicin guryaha loo xagaa-baxo, goobaha madadaalada ama dalxiis meel lagu aado. Kolka carruurta qoysaskaasi waxay iska dhexjoogaan xaafadahooda inta fasaxa lagu jiro. Halkaas oo ay ku sugaan inta dugsiyada laga furayo ama ay saaxiibadood dib uga soo noqonayaan meelihii ay dalxiiska u aadeen, ayey intaa ku dartay Agneta Åhlund oo madax ka ah qaybta Iswiiden ee ururka Rädda Barnen.

Ururka badbaadada carruurtu wuxuu ku qiyaasayaa in ay Iswiidhen ku nool yihiin 242000 oo ilmood oo qoysaskoodu ay sabool yihiin. Waxaa ilmaha sabool lagu sifeyn karaa marka uu la nool yahay qoys dakhligiisu hooseeyo oo aysan lacagtu ugu filaan karin waxyaalaha daruuriga ah haddii aysan kaalmo dhaqaale ka helin xafiiska gargaarka bulshada.

Xilliga kulaylaha waxaa qoysaska caaruurta haysta ku kharashyo ka badan sannadka intiisa kale, maadaama ay carruurta guryaha ka cunteeyaan, iyo iyadoo ay waalidku ku khasban yihiin in carruurta u diyaariyaan dhaqdhaqaaqyo ay waqti isku dhaafiyaan. Waxaase jira waxyaalo badan oo maamulada degmooyinka ka caawin karaan qoysaskaas. Mar haddii degmooyinku qayb weyn ka qaataan baraaraha carruurta, waxay noqon lahayd waxqabad dheeraad in ay waalidka culeyska la qaybsadaan, ayey tiri Agneta Åhlund oo hadalkeeda sii wadata:

- Waxaa loo abaabuli karaa dhaqdhaqaaqyo aan kharash badan ku bixin, sida bas lacag la’aan ah oo geeya meelaha lagu dabaasho ama in ay goobaha dabaasha bilaash ku galaan.

Natiijo waraysi oo uu soo bandhigay urur lagu magacaabo Majblomman waxaa ka muuqata in demooyinkii soo jawaabay ay boqolkiiba 30 oo qura ay carruurta u diyaariyaan dhaqdhaqaaqyo ay carruurtu waqti isku dhaafiyaan. Tobankiiba mid ayaa furan xarumaha carruurtu tagaan xilliga fasaxyada. Toddobo degmo oo qura ayaa ku jawaabtey in ay dejiyeen qorshe ay ku doonayaan in ay kula dagaalamaan saboolnimada carruurta.

Degmada Västerås ayaa ka mid ah degmooyinka go’aansatay in ay carruurta degmooyinka ku hara u diyaariyaan meelo ay waqtiga isku dhaafiyaan oo bilaash ah. Staffan Jansson oo xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga u matala golaha degmagda ayaa mar uu ka faalloonayey yiri:

- Waxaan diyaarinnay doonni u goooshta aagga jasiiradda Östra holmen oo ay carruurtu bilaasha ku raacaan. Waxaan kaloo qabanqaabinnaa guryo magaalada ka baxsan oo ay soo joogaan maalin ama toddobaad.

Dhanka kale Agneta Åhlund oo ururka badbaadada carruurta ka socota ayaa u aragta in isbeddel wanaagsan oo xaaladaha carruurta lagu eegayo uu ka socdo degmooyinka qaarkood. Laakiin waxaa loo baahan yahay in degmooyinku ay baaritaano ku sameeyaan baahida caaruurta, waayo waxa laga hadlayaa mustaqbalka carruurta:

Ma aha wax u baahan in lacag badan lagu maalgeliyo, laakiin waa maalgelin lagu sugayo aayaha carruurta. Waxaan kaloo ognahay in dhaqdhaqaaqyada wax ku oolka ahi ay saamayn ku leeyihiin aayaha carruurta. Waana xuquuq ay carruurtu leedahay sida cad qaraarka carruurta ee Qaramada Midoobey.

Isha: SR International

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".