Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shir cunsuriyiin oo dagaal ka dhashay

La daabacay fredag 12 juli 2013 kl 16.39

Habeenkii khamiista ayaa nin middi lagu geliyey meel ay ku shirayeen ururka cunsuriga ah oo la magacbaxay Xisbiga Iswiidhishka oo ku taal degmada Halmstad. Boliiska goobtaas u soo gurmaday wuxuu gacanta ku dhigay hub ay ka mid ahaayeen middiyo, faasas, ulo iyo waxyaalo kale. Sidaasna waxaa werisey idaacadda Hallandsekot.

Ururka xisbiga iswiidhishka oo ah urur taabacsan siyaasadda midigta fog wuxuu shirkiisa ku qabtay bannaanka maxaddada tareenada Halmstad shalay saacaddu markay ahayd 18.30. kadibna waxaa goobta ku ururay kooxo ka soo horjeeda cunsuriyadda.

Kolka ayey durbadiiba tobaneeyo qof oo ka socda xisbiga iswiidhishka weerar ku qaadeen dadkii ka soo horjeedey iyadoo gacmaha ku sita faasas, sida uu qoray wargeyska Hallandsposten oo goobjoog ahaa.

Boliisku wuxuu sheegay in nin ka mid ah dadkii la soo wareeray middi garabka laga geliyey. Ninkaas loo qaaday isbitaalka, laakiin weli uusan dooneyn in uu la hadlo boliiska.

Isha: Hallandsekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".