Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka duugta ka qaybgala oo soo yaraaday

La daabacay fredag 12 juli 2013 kl 17.45
Sawirle: Kerstin Rassner Flickr

Marka laga soo bilaabo dhammaadkii siddeetameeyadii waxaa boqolkiiba konton hoos u dhacay dadka ka qaybqaata kulanka duugta. Sidaasna waxaa muujiyey tirakoob ay idaacadda Ekot ka heshay ururweynaha shirkadaha qabuuraha oo loo soo gaabiyo SBF.

Dhammaadkii siddetameeyadii waxay dadka ka qaybgalaa gaarayeen celceliskii 50, halka ay maanta ka yihiin 25 qof. Waxaa halkaa ka muuqata in sannadkiiba qof isdhimo. Waxaa taas lagu sharrixi karaa in dadku beddelay habka ay u kulmaan marka tacsiyi jirto.

Maanta caadi uma dhacdo in dadku ay wadatagaan duugta qofka meel ka wadashaqeeyaan, ayuu Christian Richette oo ka hawlgala matxafka Nordiska museet oo ah ruux si gaar ah ula socda isbeddelada ka dhacda xaalada la xiriira dhimashada iyo tuugta.

- Sidaas ayaan u arkaa, waayo sidii hore dadku isuguma dhowa, ayuu raaciyey Christian Richette.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".