Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dabbaaldegga maalinta dhalashada amiiradda koowaad

La daabacay måndag 15 juli 2013 kl 11.14
Sawirle: Magnus Ekeros/Sveriges Radio. Sawir-qaabeyn: Sveriges Radio.

Axaddii la soo dhaafay ayaa sidii dhaqanku ahaa loogu dabbaaldegey maalinta dhalashada amiiradda koowaad Victoria si weyn iyadoo xafladdaas lagu qabtay qasriga Solliden oo ku yaal jasiiradda Öland.

Waxaa xafladdii dabbaaldegga dhalashada amiiradda ka heesay fannaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Tommy Körberg, Louise Hoffsten iyo Darin. 

Intii xafladdu socotay waxaa abaalmarin deeq waxbarasho ah oo loo yaqaan Victoriastipendiet la guddoonsiiyey cayaaryahanka barafka ku orda Johan Olsson. Wuxuu cayaaryahankaani abaalmarintaas ku muteystay guulihii uu ka soo hoyey tartankii cayaaraha adduunka ee barafka lagu ordo, halkaas oo uu qaatay hal billad oo dahab ah iyo labo qalin ah. Waxaa abaalmarintaan deeqda waxbarasho horay u muteystey cayaaryahanno ay ka mid ahaayeen Ingemar Stenmark oo barafka ku ordi jirey, Sanna Kallur oo ku caanbaxday orodada qori ka boodka iyo Therese Alshammar oo marar badan ku guuleysatay billado xagga isboortiga dabaasha.

Isha: Victoriadagen.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".