Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bangiga SEB oo faa’iido weyn gaaray ilaa sannadkaan intuu socday

La daabacay måndag 15 juli 2013 kl 13.53
Maareeyaha guud ee Bangiga SEB Annika Falkengren. Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix.

Bilihii ugu dambeeyey wuxuu bangiga SEB helay faa’iido aad u weyn sida lagu qoray warbixintii saddexda bilood ee horreysa sannadkaan oo maanta soo baxday. Faa’iidada bangigu helay waxay dhan tahay 4,8 bilyan oo karoon., taas oo 900 milyan oo karoon ka badan faa’iidadii uu bangigu helay waqtigaan waqtigiisii sannadkii hore.

Faa’iidadaas bangigu helay waxaa sabab u ah macaamiisha ku biirtay iyo amaahihii bangigu bixiyey oo aad sare ugu kacay. Waxaa kaloo kordhay macaashka bangigu ka helay amaahaha uu bixiyo, taasoo lagu micneyn karo in bangigu uu faa’iidada ugu badan ka helo lacagaha uu dadka amaahiyo.

Si kastaba ha ahaatee, maareeyaha guud ee SEB Annika Falkengren ayaa taxadar muujisay mar ay ka hadleysey mustaqbalka:

- Ma ahan in aan u qaadado in wax waliba si wanaagsan u sii socon doonaan. Balse waa in aan shaqo adag iyo dadaal dheeraad ah muujinaa oo aan macaamiisha si wanaagsan wax ugu qabannaa. U malayn maayo in aan caawimaad badan ka heleynno xaaladda isbeddelka dhaqaalaha.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".