Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bannaanbax yar oo boliis badan u baahdey

La daabacay måndag 15 juli 2013 kl 16.39
Sawirle: Mika Wallgren/Sveriges Radio Göteborg

Fagaaraha Götaplatsen oo ku yaal faras-magaalaha Göteborg ayaa boliisku xiray shalay duhurnimadii axadda kadib markii ay halkaas isugu yimaadeen laba kooxood oo bannaanbaxayey. Kooxihii halkaa isugu yimid waxay kala ahaayeen ururka ajnebi-nacaybka ee Swedish Defence League oo 15 qof ka koobnaa iyo kooxo bidixda taabacsan oo 150 qof ka koobnaa.

Bannaan-baxyadaas awgood waxaa goobta yimid boliis farabadan oo fuushanaa fardo iyo baabuur. Ciidanka boliisku wuxuu halkaa gacanta ku dhigay tobaneeyo qof oo ka socdey ururada bidixda kadib markii ka daba-ordeen iyagoo hadalo kulul ku qaylinaya laba qof oo ka socdey ururka Swedish Defence League.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".