Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sharci cusub oo ku saabsan waxyaalaha taariikhiga ah

La daabacay tisdag 16 juli 2013 kl 10.35

Waxaa lagu talajiraa in sharci cusub oo dhaqangelaya 1da Jannaayo lagu caddeeyo waxyaalaha qadiimiga ah oo loo aqoonsanayo taariikhi. Waxaa sanooyin badan la burburinaayey waxyaalo qadiim ah oo ay dad badani u arkaan in ay taariikhi u baahan in la dhawro. Taasna waxaa sabab u ahaa in sharciyan ay dadku siyaabo kala duwan u fasirayeen waxyaalaha taariikhiga ah.

Waxyaalahaas taariikhiga oo ka haray jiilashii waayadii hore waxaa badanaaba la helayey marka la dhisayo guryo ama waddo cusub la jeexayo. Kolkaas shirkaddii wax dhiseysey ayaa bixineysa kharashka lagu baarayo waxyaalaha taariikhiga ah oo goobta laga helay. Kadibna shirkadda dhismaha ayaa go’aan ka gaareysa in la sii wado dhisiddaas iyo in kale. Baaritaanka kadib hay’adda gobolka ayaa go’aamisa haddii la kaydinayo ama la burburinayo oo sidaas diiwaanka lagu gelinayo.

Hadba sida loo qiimeynayo waa kala duwanaan karaan. Laakiin sharcigaan cusub oo dhaqangelaya sannadka cusub waxaa lagu xafidayaa wayaalaha taariikhiga ah oo dambeeyey sannadkii 1850, halka hadda laga kaydiyo waxyaalihii ka horreeyey xilligaas.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".