Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhakhtar ku doodaya in taageero la siiyo dadka jir-dilka lagu sameeyey

La daabacay tisdag 16 juli 2013 kl 10.53
Noloshayda hadda ka hor i ma soo marin arxan-darro sidaan oo kale ayey Genet oo 17 sano jir ah. Sawirle: Pernilla Palm/Sveriges Radio.

Waxaa laamaha waxbarashada, sharciga iyo caafimaadka ku yar aqoonta loo leeyahay jir-dilka iyo cawaaqibka uu keeno. Sidaasna waxaa bogga doodaha ee wargeyska Svenska dagbladet ku qortay Gunilla Brodda Jansen oo ah dhakhtarad takhasus leh.

Laanqayrta cas waxay ku qiyaastay in dad qaxooti ah oo gaaraya 180 000 oo horay loogu sameeyey jir-dil haddana la xanuunsan ay ku nool yihiin Iswiidhen. Laakiin aqoonta ay shaqaalaha caafimaadku u leeyihiin dhibaatada dadkaan haysata ay aad u yar tahay ama maqan tahay. Magaalada Stockholm waxaa ka jira laba xarumood oo ku takhasusay wax u qabadka qaxootiga jir-dilka lagu soo sameeyey. Labadaas xarumoodna waxay sannad walba qaabbilaan dad xanuunsan oo tiradoodu dhan tahay 500 oo qof.

Isha: Svd

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".