Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Bangiga Swedbank oo gaaray natiijo sidii la filaayey ka liidata

La daabacay tisdag 16 juli 2013 kl 12.21
Sawirle: Scanpix

Bangiga Swedbank ayaa sannadkaan saddexdii bilood oo ugu horreysey muujiyey natiijo faa’iido oo gaareysa 4,4 bilyan oo karoon. Taasina waxay faa’iidadii sannadkii hore ka hooseysaa 150 milyan oo karoon.

Khubaro badan oo dhaqaalaha saadaaliya ayaa sugayey in natiijada saddexda bilood ee sannadka ugu horreeya ee bangiga Swedbank ay sidaan ka wanaagsanaan lahayd, laakiin Michael Wolf oo ah maareeyaha guud oo bangigu wuxuu qabaa in si kastoo ay ahaataba ay xaaladda miisaaniyadda bangigu xasilloon tahay. Dhanka kale Michael Wolf wuxuu aamminsan yahay in xaaladda cakiran ay saamayn ku yeelan karto dhaqaalaha Iswiidhen, taasina ay markeeda hakad gelin karto dhaqaalaha shirkadaha iyo bulshada.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".