Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kooxda hablaha kubbadda cagta Iswiidhen oo si xallad leh ku badisay

La daabacay onsdag 17 juli 2013 kl 10.05
Sawirle: Björn Lindgren / SCANPIX.

Cayaartii horyaalka kubbadda cagta ee hablaha Yurub oo shalay ku dhexmartay Iswiidhen iyo Talyaaniga magaalada Halmstad ayey kooxda Iswiidhen saddex gool dhalisay, halka uu Talyaanigu ka dhaliyey hal gool. Sidaas ayeyna Iswiidhen uga kooxdeedii kaalinta koowaad iyadoo u gudubtay isreebreebka labaad.

Waxaa hadda Iswiidhen sugaya cayaar isbreebreebka labaad oo maalinta axadda soo socota la cayaari doono. Waxaana laga yaabaa in ay Iswiidhen ku soo aaddo kooxda kaalinta saddexaad ka gasha Kooxda ama guruubka B ama C. Berri ayaa la ogaan doonaa kooxda ay Iswiidhen la cayaari doonto maalinta axadda.

Kolkii ay cayaartii shalay la soo gabagabowdey ayey tababaraha kooxda qaranka Pia Sundhage oo farxad iyo rayrayn ka muuqato ka hadashay guushii kooxda iswiidhishka:

- Waa muhiim in la sii gudbo iyadoo la isku kalsoon yahay. Waxaa kaloo muhiim ah in goolal la dhaliyo, waayo waxay kooxda gelineysaa yididiilo cusub markii ay og yihiin in ay soo guuleysteen.

 

Iswiidhen waxay horay u soo cayaartay laba cayaarood. Cayaartii ugu horreysey waxay iskaga hor yimaadeen kooxda Danmark, waxayna ku dhammaatay 1-1. Tii labaadna waxay isku herdiyeen kooxda Finland oo ay iswiidhishku aad uga gacansarreeyeen. Waxayna kooxdii fiinishka ku direen 5-0.

Isha: Radiosporten

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".