Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin horay uga tirsanaa madaxda sare ee SD oo kufsi lagu soo eedeeyey

La daabacay onsdag 17 juli 2013 kl 10.24

Nin siyaasi ah oo horay jego sare uga hayey xisbiga Sverigedemokraterna ayaa boliiska lagu soo ashtakeeyey in uu fal kufsi ah u gestey qof dumar ah oo ay xisbiga ku wadajiraan. Kufsigaasna waxaa la sheegayaa in uu dhacay xilligii uu socday toddobaadkii siyaasadda ee Almedalen.

Ninkaan la tuhunsan yahay wuxuu shaqada xisbiga ka tegey sannadkii 2012. Intii uu socday waqtigii ogeysiiska shaqo ka tegiddu wuxuu hawlo maamul ka hayey laan hoose oo xisbiga ka tirsan.

Kolkii la ogaaday in haweeneydaas ay boliiska u gudbisay ashtako kufsi ayaa xisbigu ninkaan ka joojiyey hawlihii uu xisbiga u hayey ilaa inta baaritaanka hoose ee xisbigu socda.

Dhanka kale ninkaan eedda loo soo jeediyey ayaa wargeyska Aftonbladet u sheegay in uusan gelin dembiga lagu soo eedeeyey.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".