Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Bangiyada waaweyn oo soo bandhigay natiijooyinkii faa’iidooyin ay heleen

La daabacay onsdag 17 juli 2013 kl 14.09
Afarta bangi oo Iswiidhen ugu waaweyn. Sawirle: Scanpix

Dhammaan afarta bangi ee dalka waxay hadda soo gudbiyeen warbixinahoodii sannadka, kuwaas ay ka muuqato in ay bangiyadaasi faa’iidooyin balaayiin ah samaynayaan. 

Shalay waxaa natiijo ay faa’iido weyn ka muuqato soo gudbiyey bangiga SEB, taas sannadkaan saddexdii bilood oo ugu horreeyey gaartay 4,8 bilyan oo karoon.

Bangiga Swedbank ayaa isaguna soo bandhigay faa’iidadii saddexdii bilood oo sannadka ugu horreysey oo gaareysa 4,4 bilyan oo karoon, oo u dhiganta koror boqolkiiba 3 ah marka la barbardhigo natiijadii sannadkii hore. Laakiin natiijadu waxay 200 oo milyan oo karoon ka yarayd intii la filayey.

Bangiga Handelsbanken ayaa isna soo bandhigay natiijadii naa’iidada u helay saddexdii bilood oo sannadkaan ugu horreysey oo gaaeysa 4 723 milyan oo karoon. Waana natiijo ka badan natiijadii sannadkii 2012 oo ahayd 4 413 milyan oo karoon.

Bangiga Nordea oo ah bangiga ugu weyn Waqooyiga Yurub wuxuu sannadkaan bilowgiisa sameeyey fa’iido gaareysa 9,1 bilyan oo akroon. Natiijadaas oo ka sarreysa natiijadii la saadaalinayey in bangigu gaaro.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".