Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

U dabaaldegga farsamada khamriga Biirta oo maanta ku beegan

La daabacay onsdag 17 juli 2013 kl 16.53
Tirada warshadaha sancada khamriga biirta oo kor u sii kacaya
(2:57 min)
Sawirle: Magnus Hjalmarson Neideman / SvD / Scanpix.

Maanta oo arbaca ah bisha luulyana ku beegan tahay 17, waxaa sannadkii labaad lagu xusay maalin khaas ah cabitaanka khamriga lagu magacaabo "biirta" iyo warshadaha soo saara cabitaankaa, isla-markaana ay maalintaasi albaabbada u fureen bulshada xiiseeynaysa iney u daawasha tagaan habka loo sameeyo cabitaanka.

Sannadkii tagay oo ahayd markii ugu horeeysay si khaas ah maalintaa loo xusay ayaa noqotay mid lagu guuleeysto, iyadoona ey kummanaan ruux u daawasho tageen shirkadaha sameeya cabitaanka khamriga Biirta iyo habka loo farsameeyo, iyada oo sannadkanna ey warshado ka tira badan kuwii sannadkii hore albbaabadooda u furaan bulshada, kuwaasina oo kaafiyay culeeyskii bulshadii tirada badneyd ee booqashada u tagtay.

Cecilia Giertta, agaasimaha guud ee ururka mulkiileyda warshadaha soo saarka khamriga biirta, ayaa sheegtay in xaaladda soo saarka khamriga biirta ee dalkani ku sugan yahay xaaladdii ugu wanaagsanayd sagaashankii sannadood ee ugu dambeeyey:
- Waxaa bil walba abuurma warshad cusub oo soo saarta cabitaanka khamriga biirta. Dalka waxaa laga soo saaraa khamri aad u macaan. Wuxuu khamriga dalkani ku guuleesytay abaal-marinno kala duwan ee caalami ah, sidoo kale waxaa la oran karaa in cabitaanka khamriga lagu far-sameeyo dalkan uu ku sugan yahay heerkii ugu sareeyay, sida ay sheegtay Cecilia Giertta.

Bulshada iswiidhishka ayaan aqlabiyad wax aqoon sidaa u ridan u lahayn habka far-samada ee khamriga biirta, halka dhanka kale ey warshadaha soo saara biirta ey dalkan ku leeyihiin taariikh dheer oo soo jireen ah, sida ay sheegtay Cecilia Giertta, gudoomiyaha ururka shirkadleyda ee warshadaha soo saara khamriga biirta, ururkaasina oo ey xubno ka yihiin 97%:
- Dhanka kale waxaan dooneeynaa inaan suuq-geeyno sidii wax looga ogaan lahaa habka sancada khamrigaa iyo sidoo kale in cabitaankaasi kaalin weyn ku leeyahay taariikhda dhaqanka soo jireenka ah ee cabitaanka iyo cunnada dalkan, sida ay hadalka u dhigtay.

Cecilia Giertta ayaa sheegtay sanooyinka foodda innagu soo haya iney mustaqbalka warshadahaasi yihiin kuwo sugan, iyo in habka sancadooduna magac weyn ku leeyihiin waddammada adduunka iyo dalka gudihiisaba. Iyada oo biirta dalka lagu iibsadaa ey badankeed tahay noocyada dalkan laga soo saaro ee kala duwan. Waxaana ugu wacan tayada iyo dhadhanka sarreeya ee cabitaanka khamriga biirta.

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".