Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ammaandarro dab shid uu ku hayo garoommada ciyaaraha

La daabacay torsdag 18 juli 2013 kl 10.36
Sawirle: Andreas Hillergren/Scanpix

In kasta oo ey yihiin falal ka xariman n lagu isticmaalo garoommada ciyaaraha qoryaha dabka ee la shido afkan iswiidhishkana lagu yiraahdo "Bengalisk eld" ayay ammaan-xumo ku hayaan garoommada ciyaaraha.

Laga soo bilaabo sannadkii 2009 oo la xeerka dalka lagu mamnuucay in garoommada lagu shido qarigaa dabka ayey taageereyaal kala duwani ku shideen tiro kor u dhaafeeysa 2 000, halka ey maamullada kooxha ciyaartooydu ku khasbanaayeen iney ka bixiyaan ganaax dhaqaale illaa iyo hadda kor u gaaraya 6,8 malyuun oo koron. Kooxda AIK ayaa ah kooxda bixisay ganaaxa ugu badan, halka ay kaalinta labaad ku jirto kooxda Malmö FF.

Björn Eriksson, ahna baaraha dawladda ee falalka wahaabida (khuligaanka) ayaa soo jeediyay in la gaaray xilligii la isticmaali lahaa farsamo waxyaalo la shidi karo kuwaasina oo sida ay sheegeyaan taageereyaal fara badani iney meesha ka saari lahayd shididda dabkan aan xeerka waafaqsaneyn.

- Waxaan aamin-sanahay in ereyada taageereyaasha la qaato, isls-markaana la tijaabiyo suurtagalkan, sida uu sheegay.

Isha/ Svd/P3 nyheter

                                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".