Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cusbada ayaa ku badan raashinka dukaammada lagu iibiyo

La daabacay torsdag 18 juli 2013 kl 11.41
Sawirle: Leif R Jansson/Scanpix

Oogada ruuxa bani'aadamka ayaa u baahan maalintii cusbo culeeyskeedu le'eg yahay 5-6 garaam oo u dhiganta qaadada shaaha sida ku cad liiska talo-bixinta ee hayadda cunnooyinku, hase-yeeshee raashin badan ee lagu iibiyo dukaammada cunnooyinka ee dalka iyo cunnooyinka diyaarka ah ee degdegta ayey ku jiraan tayo badan ee maadada cusbada. Sidaa daraadeed ayey u soo jeediyeen ururka macaamiisha ee magaalada Istockholm iyo hayadda cuunnooyinka ee dalku in la diyaariyo istaraatiijiyad guud ee wax looga dhimeyo cusbada badan ee cunnada ku jirta.

Cunnooyinka laga cunno dalkan ayey ku jiraan laba jibbaar in ka badan baahida cusbada loo qabo, waana mid horseedaysa caafimaad-darro iyo kor u kac ku yimaada halista cudurrada dhiig-kaca oo dhankiisa hor-seedaya cudurrada wadne-xanuunka iyo dhiig maskaxda ku furma:
- Waxaan u baahnaan lahayn in nala siiyo dhabba-hoowleed qeexan iyo sidii aan kaga hor-tegi leheeyn isticmaalka xad-dhaafka ah ee sokorta. Hoowshaasina waa mid ay dawladdu xilkeeda leedahay, sida ay sheegtay Anette Jansson, oo ka howl-gasha hayadda cunnooyinka.

Isha/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".