Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Dayactirka guryaha lagu kireysto oo shaqooyin cusub laga abuurayo

La daabacay torsdag 18 juli 2013 kl 13.19
Victoria Percovich, isuduwaha mashruuca, Malmö. Sawirle: Ester Sökjer-Petersen/Sveriges Radio

Marka la gaaro waqtigii dayactirka lagu samayn lahaa guryihii lagu lagu dhisay barnaamijkii la magacbaxay mashruucii halka milyan, waxaa la filayaa in kirada guryuhu uu sare u kici doona, taas oo kalifi karta in dad badan ay ku adkaato in ay sii degganaadaan.

Sidaas awgeed ayuu hadda maamulka degmada Malmö u doonayaa in dadka shaqa-la’aanta ah oo ku nool degaanadaas ay shaqo ka helaan hawlaha dayactirka iyo isla markaasba laga kabo kharashka shirkadaha guryaha kaga baxa dayactirka.

Victoria Percovich oo maamule mashruuc ka ah maamulka deegaanka ee Malmö ayaa iyadoo arrintaan ka hadleysa tiri:

- Waxaa rajeyneynnaa in aan baahida loo qabo dayactirka u isticmaalno sidii aan u abuuri lahayn shaqooyin cusub. Waxaan ku rajaweynahay in shirkadaha guryaha lihi ay arrintaan u arkaan fursad ay ku hagaajinayaan degaanadaas, bulsho iyo dhismo ahaanba oo ay sidaas ku abuuranto fursad lagu dayactirayo guryaha iyadoo aan loo baahan in dadka guryahaas deggan lagu khasbo in ay iskaga baxaan.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".