Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Salaad: Hoos ayay u dhacday kalsoonidii aan u hayay ciidanka boliiska

La daabacay torsdag 18 juli 2013 kl 15.34
Salaad: Niyadii aan u haya ciidanka ammaanka hoos ayay u dhacday
(5:40 min)
Foto: Jesper Cederberg

Dacwad la xiriirta meel ka dhac loo geeysta qooys iyo dhammaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Iswiidhen looguna geeystay qoraal lagu daabacay bogga aaladda internet-ka ee twitterka lagana gudbiyey dacwooyin fara badan ayey ciidanka boliisku hoos u dhigeen iyagoona ku macneeyey middaa in maamulka xarunta ee kombiyuuterka laga soo geliyey qoraal-dembiyeedkaasi uu dhaco magaalada Sanfransiisko ee dalka Mareeykanka.

Kadib wareeysi aan saraakiisha ciidanka ammaanka la yeelanay ayey noo caddaatay in hoos loo dhigay dacwaddan iyada oo aan xitaa la eegin suurtagalka ah in wax laga qaban karo dacwaddan iyo in kale.

Haddaba Maxamuud salaad oo ka mid ahaa dadyoow dacwadda ka gudbiyey oo aannu horay u wareeysaney ayaan wax ka weeydiiney dareenkiisa iyo sida ciidanka ammaanku howshan u qaabileen.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".