Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bakhtiyaa-nasiib xiiso dhaliyey

La daabacay fredag 19 juli 2013 kl 12.12

Bakhtiyaa-nasiib shalay loo tuuray habka kooxaha ka qaybgalaya tartanka horyaalka Yurub ay isaga hor imaanayaan ayaa lagu ogaaday dalka ay Iswiidhen isaga hor imaanayaan tartanka wareegga labaad. Sidaasna waxay qortay wakaaladda wararka ee TT.

Rajo-beelkii ku dhacay kooxda Ruushku waxay keentay in ay kooxda Iswiidhen ku aaddo kooxda Island. Kooxaha Ingiriiska iyo Ruushka ayaa looga baahnaa in ay dhibco ka qaataan cayaartii gabagabada ee wareegga koowaad, haddii kale rajadooda in ay ku guuleystaan horyaalka Yurub ayaa cirka isku shareeri lahayd. Kooxdii ingiriiska ayey guuldarro ka raacday cayaartii ay la dheeleen kooxda Faransiiska oo ku adkaatay 3 gool, halka kooxda Ingiriisku aysan waxba dhalin. Cayaartii kooxdaRuushka oo la cayaartay kooxda Isbaanishku waxay ku dhammaatay barbarro (1-1).

Tartanada wareegga labaad

  • Cayaarta koowaad oo dhacaysa 21 Luulyo, saacadda 15:00, Halmstad: Iswiidhen-Island
  • Cayaarta labaad oo dhacaysa 21 Luulyo, saacadda 18:00, Växjö: Talyaani-Jarmal
  • Cayaarta saddexaad oo dhacaysa 22 Luulyo, saacadda 18:00, Kalmar: Noorwey-Isbaanya
  • Cayaarta afraad oo dhacaysa 22 Luulyo, saacadda 20:45, Linköping: Faransiis-Daanmark
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".