Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nadaafadda goobaha dabaasha oo soo wanaagsanaatay

La daabacay fredag 19 juli 2013 kl 13.39
Sawirle: Scanpix

Nadaafadda biyaha goobaha lagu dabaasho oo u soo wanaagsanaaday si aan muddooyin la arag. Waxay hayd sannadkii 1996 markii ugu dambeysey oo biyaha goobaha lagu dabaasho ay sidaan kale nadiif u ahaadaan.

Inta lagu jiro bisha Luulyo oo qorraxdu dhakada saaran tahay, waxay dad badani caadeystaan in ay isku qaboojiyaan biyaha xeebta harada Drevviken oo ku taal degaanka Högarängen oo dhanka koonfurta kaga aaddan Stockholm. Waxaad halkaas ku arkeysaa dhallaan cayaaraya iyo dad waaweyn oo dabaalanaya. Waana wax lagu raaxeysto, laakiin aysan khatari ka maqnayn. Waxay ahayd dhawr sano ka hor markii xeebtaan ay ku soo butaaceen biyo wasakh ah oo ka soo jabay qasabaha wasakhda qaada. Taas oo dad badan u keentay caloo-xanuun.

Kadin markii maamulka degmadu weeciyey qasabadihii wasakhda waxaa soo wanaagsanaaday nadaafadda biyaha lagu dabaasho. Nin goobtaas isaga wiilkiisu ku dabaalanayeen ayaa wax yiri isbeddelkaas ku dhacay naadafadda biyaha lagu dabaasho:

- Waxaa hadda la dareemi karaa in biyaha iyo xeebtuba ay sidii hore ka nadiifsan yihiin.

Baaritaan uu sameeyey Machadka ka hortagga cudurada faafa waxaa laga akhrisan karaa in boqolkiiba 94 xeebihii biyahooda la baaray ay buuxiyeen heerkii la doonayey in ay nadaafaddoodu gaarto.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".