Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Twitter lagu daabacay jinsi neceeyb oo biliisku indhaha ka dabooshay

Waa sidee dareenka ey ka qabaan qaarkood dhallinyaradii ka dhiidhidey

La daabacay fredag 19 juli 2013 kl 15.48
Bulshada badankeed wey ka qiiroodeen qoraalka twitterka lagu daabacay
(6:52 min)

Kolka la taabto shucuuta muwaadinka waxaa ka dhasha fikirro uu ku dareemo/dareento ka rajo dhigid nidaam-hoowleedka hayadaha u xil saaran hoowlahaa, sida uu noo sheegay Mustafe Axmed oo ka mid ahaa dadyoow ey taabatay dacwadna ka gudbiyey xad-gudub loo geeystay gabar shan jir ah ee meeydkeeda dhowaantan laga helay war ku taala magaalada Horndahl, nawaaxiga Avesta ee carriga Dalarna iyo sidoo kale dhammaan qowmiyadda soomaalida ee ku dhaqan dalka:

Mustafa Axmed ayaa sidoo kale sheegay inuu dareemeyo dabeeyl ka soo galeeysa daldaloollo la la'yahay ciddii buuxin lahayd., middaasina ugu wacan tahay dal iyo dawlad la'aanta, difaac-darada kala soo gudboonaatay qowmiyadda soomaaliyeed iyo dadkii la filayaey iney howshaa u istaagaan iyo wixii la mid ah. Waa kan mustafa Axmed iyo mar kale:

Iyada oo raja xumidaasi jirto ayuu hadana Mustafa Axmed sheegay in aannu ka raja dhigin, isla-markaana uu dacwad ka gudbiyey, kuna tala jiraa inuu halkaa ka sii wado dadaalkaa. Goor ey noqotabana guul ka dhalan doonto dadaal walba ee lagu tallaabsado:

Sidoo kale waxaa isaguna ka dhiidhiyay isla-markaana uu falkaasi geliyey xanaaq iyo dareen ballaaran Maxamuud Salaad oo ka mid ahaa dacwad dhiibeyaashii, isla-markaana dacwaddiisa hoos loo dhigay, kolkii ciidanka amaanku sheegeen maadaama aaney ku rajo weyneyn ciddii falkan ka dambeeysay sidii xeerka loola tiig-san lahaa: Waa kan Maxamuud salaad oo middaa ka fikirkiisa ku cabbira:

Hase yeeshee ay farxad gelisay Maxamuud Slaad in qoraalkan waxash-nimadu ku dheehan tahay ee lagu daabacay twitterka ey ka careeysiisey dadyoow fara badan ee isugu jira qowmiyado kala duwan aanuna aheyn mid ey qabaan aqlabiyad dadyoowga dalkan ku dhaqan: Maxamuud Salaad iyo mar kale:

Amuurtan ayaa ka dambeeysay kolkii saxaafadda lagu baahyey horraantii bishan eynu ku jirno gabar shan jir ah oo soomaaliyeed oo baadi-goob lagu raadinayey ey natiijadii noqotay in meeydkeeda laga helay meel war ah, dabadee ey dhakhaatiirta meeydka baartaa sheegeen in ay u geeriyootey harqin, Barnaamjka qeybtanna intaa ayaan ku soo gabagabeeyneynaa dhageeysteyaal.

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".