Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dibadbaxyo looga soo horjeedo xeerka iibsiga oogada haweenka ee Iswiidhen

La daabacay fredag 19 juli 2013 kl 17.21

Bannaan-bax uu soo abaabulay ururka u dooda xuquuqda haweenka jirkooda ka ganacsada ee Yurub ICRASE ayaa maanta lagu hor-dhigi doonaa 30 safaaradood ee dalkanik u leeyahay waddammada caalamka, halkaasina oo ey bannaan-baxa ka dhigi doonaan haweenka jirkooda ka ganacsada.

Iyadoo looga gol leeyahay culeeyska haweenka kala soo gudboonaadey kolkii 1999 wax laga bedeley xeerka khuseeya ka ganacsiga galmada. Dalka Iswiidhen ayaa xilligaa mamnuucay in xeerka la hor-keeno ciddii dhaqaale ku bixisa galmo, hase yeeshee aanu wax dembi ah loo raacan karin cidda iyadu lacagta la siiyey ama qaadatay:
- Dhibaatooyinka loo geeysto haweenka jirkooda ka ganacsada ayaa aad u adkaatay, middaasina oo ah sawir ey inta badan haweenkaasi ka bixiyaan, sida ay sheegtay Marie-Louise Svarfvar, ahna sarkaalad ka howl-gasha waddooyinka ey haweenkaasi ka ugaarsadaan macaamiisha ee magaalada Malmö.

Dhanka kale Marie-Louise Svarfvar ayaa sheegtay inay u muuqdeen jah-wareer farabadan ee haweenka ka qabaan bulshada, iyada oo qaar badan ey marar badan sheegaan iney ka door bidi lahaayeen iney bulshada ka helaan taageero dhanka hooyga ah ama ka kaaftoomaan muqaadaraadka iyo sidoo kale istaagidda waddooyinka.

Ilaha/ SvD, P3

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".