Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dowlada oo ka fekereysa in ay ruqsad u sammeyso wadista mootooyinka biyaha.

La daabacay måndag 22 juli 2013 kl 09.38
Mid ama labo ayaa ku dhimata shilka mootooyinka biyaha sanad walba, sida ay leedahaya Transportstyrelsen. Sawirle: Johan Nilsson/Scanpix

Waxaa dalka ku soo badanaya mootooyinka lagu kaxeeyo biyaha dushooda,  waxaana ilaa iyo sanadkan ka dhashay mootooyinkaasi labo shil oo khatar ah.

Sida ay sheegtay hay’ada gaadiidka ee Transportstyrelsen mid ama labo qof ayaa ku geeriyoota shilalka mootooyinka biyaha sanad walba laakiin ilaa iyo hadda tirakoob rasmi ah oo ku saabsan shilalkan.

Wasiirada dhismaha Catharina Elmsäter Svärd ayaa iyana sheegtay in dadka isticmaala mootooyinka biyaha dushooda lagu kaxeeya in aysan raaceen sharciyada jira sidaasi daraadeed loo baahanyahay in la soo saaro sharci ruqsad ah oo ay qaataan wadayaasha mootooyinka biyaha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".