Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka cudurka qallalka qaba oo halis ugu sugan inay xilli hore dhintaan

La daabacay måndag 22 juli 2013 kl 11.39
Sawir raajo oo maskaxda laga qaaday. Sawirle: Tomas Oneborg/Scanpix

Waxaa daraasad cusub oo baarayaal iswiidhish ahi sameeyeen lagu ogaaday in dadka qaba cudurka qallalka ay khatar weyn ugu sugan yihiin in ay horay u dhintaan. Daraasadaana waxaa lagu baaray dad iswiidhish ah oo cudurkaan qaba oo tiradoodu gaareyso 70000 oo qof. Waxaa khatar taas ka sii weyn ku sugan dadka qallalka qaba oo ay u weheliso cudurada maskaxda ama isticmaalka maandooriyayaasha.

- Waa iga fajacisay in ay khatar sidaas u weyni jirto oo ay khatarta dhimashadu toban goor ka badan tahay tan dadka kale. Dadka qaba cudurada maskaxdana waaba ay uga sii khatar weyn yihiin, ayuu Paul Lichtenstein oo ah caalin Machadka Karolinska ka dhiga cilmiga cudurada la kala dhaxlo, qaybna ka ahaa dadkii daraasadaan soo diyaariyey.

Qaybo ka mid ah unugyada maskaxda qofka cudurka qallalka qaba ayaa aad u shaqaysa, taas oo keeni karta in qofku suuxo iyo in uu si ba’an isugu kogo. Baaritaankaan hadda la soo bandhigay waxaa sanooyin badan lagu dabagalay dad iswiidhish oo qaba cudurka qallalka. Waxaana lagu ogaadey in dadka qallalka qaba ay khatarta dhimashadu toban goor kaga badan tahay bulshada inteed akale.

Waxaa khatartaas badan loo sababeynayaa in cudurka qallalku uu horseedi karo in maskaxda buro-bahalaad ku samaysanto ama dhiig ku furmo. Hase ahaatee, baarayaashu waxay daraasadooda ku ogaadeen in khatarta in goor hore la dhintaa ay aad weyn iyadoo aan ku xirnayn cuduro kale.

Waxaa kaloo la ogaaday in dadka qallalka qabaa ay toddobo ilaa siddeed goor halis ugu sugan in ay ku dhintaan hanfasho ama in ay dhacaan. Khatarta in ay isdilaan afar goor ayey kaga badan tahay dadka caadiga ah.

Waxaa badanaaba caadi ah in dadka qallalka qabaa ay muujiyaan dhibaatooyin maskaxda la xiriira, sida isku buuq. Haddaba waa in ay shaqaalaha goobaha daryeelka caafimaadku aad ugu indhofurnaadaan dadka khatarta ugu sugan in ay dhibaatooyinkaasi ku dhacaan, ayuu yiri Paul Lichtenstein.

Waxaa kaloo daraasadda ay muuqata in dadka qaba qallalka oo uu u weheliyo isku buuqu ay 23 goor uga khatar badan yihiin dadka kale in ay isdilaan. Sidaas awgeedna, wuxuu Paul Lichtenstein kula talinayaa dhakhaatiirka cudurada maskaxda oo daaweeya dadka qaba cudurka qallalku in ay si dheeraad ah ula socdaan haddii dadka bukaanka ahi ay muujiyaan cillado xagga maskaxda iyo haddii kale.

- Anigu sidaas ayaan u arkaa. Waxaan ogahay in ay jiraan dhakhaatiirka maskaxda oo aqoon ku filan u leh wax ka qabadka cudurkaan, laakiin ila ma aha in ay aqoontaasi ku fidsan tahay dhammaan dhakhaatiirka maskaxda. Waxaan kaloo qabaa in ay caadi tahay in qaybo kala duwan oo ka mid ah rugaha takhasusku ay ku wanaagsan yihiin in ay cudurkaas daaweeyaan laakiin aysan ku fekerin in qofka bukaanka ahi uu qabi karo cuduro kale.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".