Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Booliska ma kala bixi doonaan iskuulada caruurta aan heysan sharciyada.

La daabacay måndag 22 juli 2013 kl 11.44
Waxaa dhowaantan soo baxay sharci xaq u siinaya caruurta aan heysan sharciga deganaanshaha in ay aadi karaan iskuulada dalka. Foto: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Ciidamada bileyska ee xaduudaha  gobolka Skåne ee koonfurta Iswiidhen ayaa sheegay in aysan geli doonin iskuulada aysana ka soo kaxeysan doonin sidoo kale caruurta aan heysan sharciga deganaanshaha dalka.

Doodan ayaa timid ka dib markii uu soo baxay sharci u oggolaanaya caruurta ku nool Iswiidhen ee aan heysan sharciga deganaanshaha dalka in ay aadi karaan oo ay wax ka baran karaan iskuulada waddanka.

(( Booliska xaduudaha gobolka Skåne ma aysan gelin iskuul, caruurna kama soo kaxeysan . Caruurta ma ahan kuwa doortay in ay galaan nolosha dhuumashada ah ee waalidka. Tan iyo inta aan soo ahaa madaxa booliska xaduudaha ee gobolka, ma aan sammeyn sidaasi mana sammeyn doono inta aan sii heyn doono xilka ,)) waxaa sidaasi tiri madaxa bileyska xaduudaha ee gobolka Skåne , Kristina Hallander Spångberg.

Marie-Louise Lundberg oo ah dhaqtarad cilmiga nafsiga ahna madaxa urur caawiya dadka waxyeelada ka soo gaarto dagaalada iyo jirdilka gaar ahaan caruurta lana yiraahdo ururkeeda Bup ayaa soo dhoweysay hadalka ka soo yeeray ciidamada xaduudaha ee gobolka Skåne oo ah in aysan booliska kala bixi doonin caruurta sharci la’aanta ah iskuulada ama aysan ku sugi doonin iskuulka dibediisa.

(( Hadii Iskuulka uu noqodo meel xor ah oo la hubo in aysan ka dhaceyn dhibaato marka loo socdo lagana soo socdo, waa arrin aad u qiimo badan in iskuulka waa udub dhexaadka nabadgelyada caruurta iyo dhallinyarada)), ayay tiri dhaqtarada cilmi nafsiga säger psykologen Marie-Louise Lundberg.

Kowdii bishan aynu ku jirno ee Luulyo ayaa waxaa soo baxay sharci siinaya xaquuq waxbarasho xitaa caruurta aan heysan sharciga deganaansha Iswiidhen waxaana markii uu soo baxay sharciga iyana soo bidhaantay dood ah in booliska uu kala bixi doono iskuulada caruurta iyo dhallinyarada aan heysan sharciga ee bilaabaya iskuulada.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".