Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

15-jir xukun maxkamad ku mudatay hanjabaad ay marisay facebook-ga.

La daabacay måndag 22 juli 2013 kl 12.17
Bild: Cajsa Vingros Carlson/P4 Väst Sveriges Radio.

Gabar shan iyo toban jir ah, kuna nool gobolka Bohuslän ayaa maxkamd waxay ku riday xukun ah in lagu hayo goobaha la dhigo dhallinta dambiyada geysta ka dib markii ay ugu hanjabtay gabar ay isku da’ yihiin aalada facebook-ga, sida uu soo qoray wargeyska Bohusläningen.

Gabadhan ayaa sidoo kale laga soo gudbiyay dacwad in ay facebook hanjabaad dil ay u soo marisay isla gabadha kale ee soo dacweysay balse maxkamada ayaa u aragtay eedeytaasi mid jilicsan oo xukun laga gaari karin.

15-jirtan ayaa sidoo kale fariimaha qoraalada tilifoonka ee sms oo hanjabaad ah waxay u dirtay wiil, waxayna isku dayday in wiilka uusan u gudbin bileyska dacwad fariimaha ay u dirtay la xiriira.

Gabadha ayaa lagu helay dambiyo isugu jira hanjabaad sharci daro ah iyo ku xadgudbid sharciga.

Maxkamada ayaa sidoo kale ku xukuntay gabadhan ganaax lacageed gaaraya shan kun oo karoon oo la siin doono dadka ay u hanjabtay.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".