Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Midowga Yurub oo liiska argagixisada ku daray ururka Xisbullaah.

La daabacay måndag 22 juli 2013 kl 14.13
Wasiirka arrimaha dibeda Iswiidhen oo sheegay in labo kiis ay sabab u tahay ku darida Xisbullah ee liiska argagaxaBildt. Foto: Scanpix.

Wasiiradda arrimaha dibedda ee midowga Yurub ayaa ku asteeyay ururka Xisbullah in uu yahay mid argagixiso ka dib markii ay maanta kulan ku yeesheen magaaladda Brussells.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Iswiidhen Carl Bildt ayaa soo arka tallaabada midowga Yurub mid wanaagsan.

 (( Waxaan xaqiijin karnaa in Xisbullaah ay diyaarisay kana geysatay labo weerar argagixiso cariga miodwga Yurub. Ma ahan wax aan u dul qaadan karono marka ku darida ururkaasi ee liiska argagixisada waa uu soconaa,)) ayuu yiri  Carl Bildt oo goob joog ka ahaa maanta kulanka Brussells.

Labada kiis ee uu carabaabay Carl Bildt ayaa kala ah weerar sanadkii aynu soo dhaafnay lagu dilay dalxiisayaal Israa’iil ah oo ku sugnaa barta loo dalxiis tago ee Burgas ee dalka Bulgaariya iyo weerarka oo la fashiliyay oo lagu waday in lagu qaado dalxiisayaal Israa’iil ah oo joogay dalka Qubrus waxaana bishii Maarso ee sanadkan qorshahaasi weerar lagu xukumay nin heysta dhalashada Iswiidhen balse ka soo jeeda dalka Lubnaan oo ah halka saldhiga u ah ururka Xisbullah.

Qaar ka mid ah dalalka midowga Yurub ee qaba aragti ah ku darida xisbullah ee liiska madow in ay sii horseedi karto xiisad ka abuuranta dalka Lubnaan laakiin dalalka doonaya in ururka Xisbullah lagu daro liiska argagixisada ayaa tilmaamaya in xaalada Lubnaan aysan u xasilneen, xaaladda dalka Siirya ka taagan darteeda, halkaasi oo Xisbullaahi u dirtay ciidamadeeda si ay u taageeraan madaxweyne Bashaar Al Assad.

Go’aanka midowga Yurub ee maanta soo baxay ayaa dalbanaya in dalalka xubnaha ka ah oo dhan ay u hoggaansamaan.

In la kala saaro qeybaha militeriga iyo kuwa siysaadda ee Xisbullah ayay adag tahay in la xaliyo, sida uu sheegay Carl Bildt.

Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen ayaa sheegay in aysan aheyn wax fudud in la kala saaro qeybta siyaasadda iyo militeriga ee Xisbullah. Marka laga soo tago awooda militeri, Xisbullah ayaa sidaasi oo kale ah xisbi siyaasadeed oo kaalin mug leh kaga jira siyaasada dalka Lubnaan waxuuna Carl Bildt uu sheegay in ay tahay siyaasad ahaan in xiriir lala sammeeyo Xisbullah inkastoo ay tahay mid adag.

/ Illar Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".